Lo sentimos. Aún no hemos traducido esta página al español. Avísenos si desea que esto sea una prioridad y traduciremos la página lo antes posible.


We're sorry. We have not yet translated this page into Spanish. Please let us know if you want us to make it a priority and we will work to translate it as soon as possible.


Solicitar traducción Request translation

Gracias, su solicitud ha sido presentada. Thank you, your request has been submitted.

Bogan

Kababka shaqo la'aanta | Paid Family & Medical Leave (Fasaxa lacagta ah ee Qoyska ka Caafimaad) | Shaqooyinka & tababarka

 


Kababka Shaqo la'aanta

Codso adoo wacaya 800-410-0758. Ka wac kordhinta 12 si aad caawimo ugu dalabtid Soomaali (turjumaano bilaash ah ayaa la heli karaa). Hadii aad maqalka naafo ka tahay, maqalku kugu adagyahay, ama hadalka naafo ka yahay, wac Washington Relay Service (Adeega Wicitaanka Washington) adoo ka wacaya 711.

               

Markaad wacayso lambarka, waxaad maqli kartaa fariintan (faylka wav) iyadoo Ingiriisi ah. Waxay odhanaysaa:

“Iyadooy ugu wacan tahay wicitaano badan, kama jawaabi karno wicitaankaaga wakhtigan. Fadlan nasoo wac markale, ama ka hel macluumaadka shaqo la'aanta iyo adeegyada wabsaaydka www.esd.wa.gov. Waad ku mahadsan tahay dulqaadkaaga. Nabadgalyo.”

 

In kasta oo ay jirto wicitaano badan, waxaa naga go'an inaan ku caawinno. Waxaan haysanaa turjumaano luuqado oo farabadan. Hadii aad u baahantahay inaad ka codsato telefoonka, talooyinkan waxa laga yaabaa inay ku caawiyaan.

  • Wac xili hore ama xili dambe si aad u kordhiso jaanisyadaada inaad hesho shaqaale.
    Saacadaha Xarunta Cabashada iyo macluumaadka.
  • Ka jawaab telefoonka. Waxa laga yaabaa inaan anaga nahay! Magacayagu kama soo muuqanaya Aqoonsiga wicitaanka. Hadii aad wayday wicitaankayaga, waa inaad nagu soo celisaa, taasoo ku dari doonta wakhti dheeraad ah nidaamkaaga codsiga.

 

Ka hor intaanad codsan:

  • Hadii aanad ahayn muwaadin Maraykan ah, waxaad wali codsan kartaa kabka shaqo la'aanta. Ogow wax badan oo ku saabsan muwaadinimada iyo xaqaaga sharci ee aad ku shaqayn karto.
  • Isticmaal tilmaamtan si aad u ogaato waxyaabo badan oo ku saabsan adeegyada onlaaynka ah, Employment Security Department (Waaxda Ilaalinta Shaqaalaysiinta). Isticmaal adeegyada onlaaynka ah si aad u codsato kabka shaqo la'aanta, gudbi sheegashooyinka todobaadlaha ah oo hel macluumaadka ku saabsan kabka.

 

Codsashada:

 

Kadib codsashada:

  • Hadii aad heshay warqada go'aaminta ee xagayaga katimid oo aanad ku waafaqsanayn, habka ugu fudud ee aad racfaan ku qaadan kartaa waa inaad ka codsato habka onlaynka ah. Ama, waxaad isticmaali kartaa Foomka Racfaanka Kabka.
  • Si aad u hesho kabka, waa inaad raadisaa shaqo. Waxbadan ka ogow shuruudaha shaqo raadinta.
  • Booqo Boga ay ku qorantahay shaqada ku noqo si aad uga hesho xadiga khayraadka shaqaalaha.
  • Boga Shaqada la diiday wuxuu ka jawaabayaa su'aalaha ku saabsan shaqaalaha aan dib ugu noqonayn shaqooyinkooda.
  • Lacag bixinaha dheeraadka ah waxay dhacaysaa marka qofi uu helo kabka oo marka dambana waxaan raadinaynaa oo aan ku haboonayn. Fadlan ha iska dhega tirin ogaysiiska lacag bixinta dheeraadka ah.

 

Paid Family & Medical Leave (Fasaxa Caafimaad iyo Qoyska ee Lacagta ah)

Paid Family & Medical Leave (Fasaxa Caafimaad iyo Qoyska ee Lacagta) ahi waa kabka shaqaalaha Washington. Waa adiga marka xaalad caafimaad oo daran ay kaa hor istaagto inaad shaqeyso ama marka aad u baahan tahay wakhti aad ku daryeesho xubin qoyska ka mid ah, xidhidh ilmo cusub ama wakhti la qaadato xubin qoyska ka mid ah oo isku diyaarinaya adeegga milatari ee dibadda.

 

Ogow waxbadan oo ku aadan Paid Leave (Fasax lacag ah).

Shaqooyinka iyo tababarka (Ingiriisi iyo Isbaanish)

Khayraadka Shaqaalaha wuxuu kaa caawinayaa inaad raadiso shaqada xigta ama xirfada. Booqo WorkSourceWA.com si aad u bilawdo. Waxa kujira Resource (Khayraadka), isticmaal WorkSource locator (Eegaha Khayraadka Shaqada)si aad u heshid xafiis kuu dhow oo aad aragto adeegyada la heli karo si onlaayn ah iyo si shaqsi ahba.